Skip to main content

Macluumaadka Qashinka Halista ah iyo Adeegyada

Haddii aad ku nooshahay ama ka shaqeysid Deegaanka King, waxaan bixinaa iqtiyaarada qashin tuurista ku fillan qashinka halista iyo illaha kugu caawinayo ka illaalinta adiga iyo deegaanka kiimakooyinka halista ah.

a mother and son in a grocery store aisle

Badeecooyinka Halista Caadiga ah

Aanan la isticmaalin, hore, ama badeecada halista aan loo baahneyn waxay noqon kartaa halis la keydinayo. Waxay sidoo kale waxyeeleyn karaan dadka iyo deegaanka haddii lagu tuuro qashinka ama lagu shubo hoosta marinka. Waad aqoonsan kartaa badeecada halista ah adiga oo aqrinayo qoraalada badeecada. Badeecooyinka halista waxay leeyihiin qoraalo  oo wataan erayada danger (khatar), poison (sun), warning (digniin), ama caution (feejignaan).

Icon of bottles with the EPA Safer Choice logo and Cradle to Cradle logo

Ugu badbaado badan

Ka hel alaabta summadahan leh xaga hore ama xaga dambe.

Fadlan ogow: Badeecooyinka EPA Safer Choice waa kuwa ugu badbaadsan fasalkooda, xittaa haddii ay dhahdo CAUTION (FEEJIGNAAN) summad ahaan.

Icon of a bottle that does not have the words caution, warning, danger, or poison on the label

Badbaado ku filan

Dooro badeecooyinka oo aanan laheyn erayada CAUTION (FEEJIGNAAN), WARNING (DIGNIIN), DANGER (KHATAR), ama POISON (SUN).

Icon of a bottle with the words Caution and Warning

Waxoogaa yara waxyeelo badan

Dooro badeecooyinka leh erayada CAUTION (FEEJIGNAAN) ama WARNING (DIGNIIN).

Icon of a bottle with the words Danger and Poison

Waxyeelada ugu badan - ka fogow

Ka fogow badeecooyinka leh erayada DANGER (KHATAR) ama POISON (SUN). Intooda badan waxyeelo ayay kuu yihiin adiga iyo qoyskaaga.

3 Tallaabo oo qashin qub badbaado ah

Staff person wearing protective gear unloads hazardous wastes from the trunk of a car
step 1

Usu keen sheeyada:

Haddii qoraalka uu ku jiro ereyada danger (khatar), poison (sun), warning (digniin), ama caution (feejignaan), waa qashinka halista ah.

FIIRI LIISKAAN SHEEYADA AAN OGOLAANO.

step 2

Diyaarinta qashinka:

Ku hay sheeyada weelkooda asalka ah, summad ku samee alaabta aan la calaamadin, oo adkee sheeyada markaas dhinac uma liicaan ama ma liigaan. Ku kaydi alaabta meel ka fog qaybta rakaabka ka fuulo baabuurkaaga.

step 3

Keenista:

Keen sheeyadaada xarunta tuurista. Ma jiro kharash, maadaama adeegga hadda ka hor lagu maalgeliyay biilkaaga nalka iyo biyaha.

Soo hel meel qashinka lagu qubo oo adiga kuu dhow

  • North Seattle
    Axad - Talaado

    12550 Stone Ave N Seattle, WA 98133
    9:00 subaxnimo - 5:00 galabnimo.

    Way xirantahay Luuliyo 4, Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

  • South Seattle
    Khamiista - Sabti

    8100 2nd Ave S Seattle, WA 98108
    9:00 subaxnimo – 5:00 galabnimo

    Waxay ku taalaa meesha u dhow boosteejada tareenka.

    Way xirantahay Luuliyo 4, Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

  • Factoria
    Talaado - Jamce, Sabti iyo Axad

    13800 SE 32nd St. Bellevue, WA 98005
    8 subaxnimo – 4 galabnimo (Tallaadada-Jimcaha), 9 subaxnimo – 5 galabnimo (Sabtida-Axada)

    Xarunta warshada waxay ku taalaa saldhiga wareejinta. Way xirantahay Luuliyo , Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

  • Auburn
    Sabti - Axad

    1101 Outlet Collection Way, Auburn, WA 98001
    10 subaxnimo - 5 galabnimo.

    Goobta Auburn Wastemobile waxay furantahay dhammaadyada isbuuca, wareega-sannadka. Baaruudaha lagama ogolaanayo goobtaan.
    Goobtaan wey xirantahay Nofeembar 30, Diseembar 1 iyo Diseembar 28-29.  


Wastemobile - Adeegga Aruurinta Qashinka Khatarta ah ee Wareega


Adeegaan aruurinta bilaashka ah wuxuu ku safraa bulshooyinka Deegaanka King ee la xushay iyo waxay siisaa dagayaasha iyo ganacsiyada yar meel ku haboon ee ay geeyaan qashinkooda halista ah.

 

Soo hel marka Wastemobile, adeegyadeena tuurida qashinka qoyska khatarta ah ee safrayo booqato bulsho kuu dhow adiga.

Graphic of a green car at a Wastemobile event

Barnaamijka Aruurinta Guriga

Miyaad tahay 65 sano ma jir mise ma ka weyn tahay, ama qof naafo ah? Haddii aadan laheyn gaari iyo haddii kale aysan kuu suurtogaleyn inaad gashid aaga aruurinta qashinka halista ah, waxaad noo soo wici kartaa inaad balansatid qaadista qashinka ee gurigaaga. Barnaamijka Aruurinta ee Guriga hadda ka hor waxaa lagu maalgeliyay biilkaaga nalka iyo biyaha, laguguma soo dalaci doono kharash marka alaabta la qaado.



Si aad u balansatid qaadista, soo wac

206-296-4692

Isniinta - Sabtida, ka bilow 9 a.m. illaa 5 p.m. (marka laga reebo fasaxyada) Tujubaano waxaa lagu heli karaa codsi

 

Maku leedahay ganacsiyo Deegaanka King?

Sida ganacsi, waa masuuliyadaada in la maareeyo walxaha halista ah si markaas aysan u waxyeelin shaqaalahaaga, bulshada, ama deegaanka. Waxaanu ka caawin karnaa ganacsiyada u qalma inay ku daadiyaan qashinkooda khatarta ah bilaash. Waxaanu sidoo kale bixinaa adeegyada la tashiga goobta ah, tallooyinka lagu habboonaysiiyay, iyo lacag dib u celinta loogu talo galay horumarka. Dhammaan adeegyadan hadda ka hor waxa lagu maalgeliyay dhexda biilka adeega nalka iyo biyaha.



Si wax badan looga barto oo loo ogaado haddii ganacsigaaga u qalmo, soo wac

206-296-4692

Isniinta - Sabtida, ka bilow 9 a.m. illaa 5 p.m. (marka laga reebo fasaxyada) Tujubaano waxaa lagu heli karaa codsi

Qadka Caawinta Qashinka Halista

Dagayaasha iyo ganacsiyada yaryar waxay wacan karaan macluumaadka ku saabsan sida saxda ah ee loo qubo qashinka halista ah, loo isticmaalo alaabooyin suntu ku yar tahay, iyo mawduucyada la xidhiidha.

Saacadaha

Isniinta - Sabtida, ka bilow 9 a.m. illaa 5 p.m. (marka laga reebo fasaxyada)

Qadka Caawinta Qashinka Halista ah
206-296-4692*

I-meelka
haz.waste@kingcounty.gov

Garden Hotline

Dagayaasha iyo xirfadlayaasha muuqaalka dhulka waxay waci karaan khadka tooska ah ee Beerta si ay u helaan caawimo khabiir oo bilaash ah oo wata su’aalaha beeridda.

Saacadaha

Isniinta - Sabtida, ka bilow 9 a.m. illaa 5 p.m. (marka laga reebo fasaxyada)

Garden Hotline
206-633-0224*

Bogga (barta khadka)
gardenhotline.org

Inaga Nagu saabsan

Barnaamijka Maareynta Qashinka Halista ah wuxuu illaaliyaa oo xoojiyaa caafimaadka bulshada iyo tayada deegaanka ee Deegaanka King iyada oo la yareynayo halista lagu soo rogay soo saarida, isticmaalka, keydka, iyo tuurista walxaha halista ah. Waxaan nahay jaal goboleed oo u adeego dhammaan Deegaanka King oo ay ku jiraan Magaalada Seattle, 37 magaalooyin kale, labo qabiil, iyo aaggaga aan lagu darin magaalooyinka ee weli Deegaanka hoos-imaada.

 

Ku Xirnow

Iska diiwaangeli aqbaaraheena iyo warbixinta ugu dambeyso ee ku saabsan goorta Wastemobile ay imaanayaan xaafaddaada. Fadlan ogow in warqada aqbaarta ay ahaaneyso af Ingiriis.